Home Suuqa Kala iibsiga Labadan weeraryahan oo loo magacaabay kooxda All-Star ee MLS

Labadan weeraryahan oo loo magacaabay kooxda All-Star ee MLS

0

Labadan weeraryahan ayaa loo magacaabay kooxda All-Star ee MLS si ay u wajahaan kooxda La Liga MX All-Star ciyaartii sanadkan ee 25ka July.

Sanadkan waxaa la filaya in xiddigaha MLS ay saacidi doonaan qaab ciyaareedka xiddigaha da’da ah ee Messi iyo Suarez iyo kuwo kale.

Xiddigaha ugu waaweyn ee imika MLS ku sugan ayaa waxaa ka mid ah, Lionel Messi, Luis Suarez, Sergio Busquets, iyo Jordi Alba.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan la xaqiijiyay in Messi iyo Suarez aysan ka qeyb gali doonin sababo kala duwan awgeed.

ADVERTISEMENT

Warbixin ay soo saartay Inter Miami ayaa lagu yirii:

“Leo Messi waxa uu dhaawac canqowga ah ku seegayaa All-Star Game, halka Luis Suarez, oo dhawaan ka soo laabtay waajibaadka xulkiisa ka dib 40 maalmood oo uu ka maqnaa kooxda, uu seegi doono ciyaarta All-Star sababtoo ah wuxuu dareemaya xanuun jilibka ah.

helitaankooda kulanka Sabtida ee koobka League ayaa lagu qiimeyn doonaa iyadoo lagu saleynayo habka soo kabashada maalinlaha ah. ”

Messi ayaa dhaawac canqowga ah ka soo gaaray kulankii ay Argentina 1-0 kaga badisay Colombia finalkii Copa America 14kii July, mana jiro waqti gaar ah oo uu soo laaban karo wali.

Dhanka kale Suarez ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday xulka Uruguay tartanka laakiin waxa u suurtagashay in uu gool muhiim ah ka dhaliyo ciyaartii kaalinta 3-aad ee Playoff-ka ay la ciyaareen Canada.

Taageerayaasha Inter Miami ayaa ku farxi doona inay arkaan kooxda oo mudnaanta koowaad siinaysa caafimaadka iyo taam ahaanshaha xiddigahooda ugu waaweyn.

Waxay rajo ka qabaan inay soo laabtaan labbada nin marka ay bilaabaan difaacooda koobka horyaalada isbuucaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here