Home Warka Xiisaha Leh Lacagta Chelsea Iibkiisa Ku Doonayso, Kooxda Uu Isagu Caashaqay & Xogaha Mustaqbalka...

Lacagta Chelsea Iibkiisa Ku Doonayso, Kooxda Uu Isagu Caashaqay & Xogaha Mustaqbalka Mason Mount

0
Ad

Waxa muddooyinkii ugu dambeeyay cirka ku shareeran mustaqbalka khadka dhexe ee Chelsea ee Mason Mount oo heshiiskiisa hal sano ka hadhay una muuqan mid wax qandaraas kordhin ah samaynaya.

Heshiis kordhinta Mason ee Stamford Bridge ayaa mudo dheer soo jiitamaysay, 24 sano jirkaas ayaa xilli ciyaareedkan xiiso ka helaya badi kooxaha waaweyn ee Premier League isagoo u muuqda mid ay uga dhammaatay kooxda ree London.

Ad

Mount ayaa hore loola xidhiidhinayay kooxaha Arsenal iyo Liverpool balse waxa tartanka dardar kusoo gashay Manchester United.

Saxafiga ugu xog-ogaalsan England ee David Ornstien ayaa xalay qarxiyay warka weyn ee ah in Mason uu doonayo ku biirista Man United kooxaha kale ee isaga xiisaynayayna go’aankiisa ka warqabaan.

Iyadoo hore wargeyska Daily Mail u sheegay in Man United dalab 55 Milyan oo pound ah u diyaarinayso Mount ayuu xalay saxafiga kale ee Fabrizio Romano sheegay in Chelsea 80 Milyan ku doonaysa iibka Mount walow hal sano kaliyi ka hadhay heshiiskiisa kooxda.

Ornstien ayaa sheegay in Man United iyo Chelsea dhawaan bilaabi doonaan wadahadalka ay khadka dhexe ee English-ka ah ku kala doonayaan.

Mount ayaa hore heshiisyo uga diiday Chelsea isagoo dareensanaa in mushaharka kooxdu usoo bandhigaysay uusan ahayn mid ku haboon.

Previous articleHORDHAC: Man United v Chelsea – ee Horyaal Premier League, Wararka labada Koox iyo Shaxda Macquulka ah
Next articleNewcastle Oo Urursanaysa Xiddigihii Ay Ku Qabsan Lahayd Horyaalka Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here