Lacagta Manchester United ay ku fasixi karto Xidiga Jesse Lingard oo la ogaaday

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku iibin karto Jesse Lingard qiimo jaban bisha Janaayo haddii weeraryahanka uu diido inuu saxiixo heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Old Trafford.

Heshiiska uu haatan xiddiga reer England kula jiro Red Devils wuxuu dhacayaa bisha soo socota ee June, waxaana la fahamsan yahay inuusan hadda diyaar u ahayn inuu saxiixo heshiis kordhin inta uu halgan ugu jiro inuu ku soo bilowdo.

West Ham United ayaa isku dayday inay heshiis joogto ah kula saxiixato Lingard xagaagii, laakiin kooxda heysata horyaalka Ingriiska oo 20 jeer haysata ayaa go’aansatay inay sii haysato.

28 jirkaan ayaa dhaliyay labo gool waxaana uu caawiyay hal caawin lix kulan oo uu u saftay kooxda Ole Gunnar Solskjaer xilli ciyaareedkan laakiin wuxuu ciyaaray 45 daqiiqo oo kaliya Premier League.

Sida laga soo xigtay The Sun , Man United ayaa ka fiirsan doonta inay Lingard ku iibiso 15 milyan ginni bisha Janaayo haddii aan la xalin xaaladda qandaraas ee kooxda dhamaadka sanadka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Red Devils ay u soo bandhigtay weeraryahanka heshiis cusub oo uu ku qaadanayo £ 135,000 toddobaadkii.

Lingard ayaa loo maleynayaa inuu bartilmaameed u yahay Newcastle United ka dib markii ay kooxda lala wareegay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*