Lacazette oo dalab qaali ah ka helay Mid kamid ah Kooxaha Premier League-ga

Newcastle United ayaa isku dayday inay hesho weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette .

Lacazette ayaa qandaraaskiisu dhacayaa bisha June, wadahadalada heshiis kordhinta ayaana u horseeday inay waxba ka soo bixin iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka France uu rajeynayo inuu baxo bisha June.

TMW ayaa sheegaysa in Newcastle ay u dhaqaaqday saxiixa weeraryahanka.

Dalab gaaraya 2025 ayaa miiska loo saaray 8 milyan euro xilli ciyaareedkii, iyadoo Newcastle ay diyaar u tahay si ay u iibsato Lacazette bishaan.

Si kastaba ha ahaatee, wuu diiday soo jeedinta, isagoo ku adkaystay inuusan doonayn inuu qayb ka noqdo kooxda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*