Lamine Yamal oo ku farxay guusha muhiimka ah ee Barcelona kadib dhibcaha “doqonimada” ay lumiyeen.
Xiddiga da’da yar ee kooxda Barcelona, Lamine Yamal, ayaa muujiyay farxadda uu ka qabo in kooxdiisu ay ku soo laabatay waddada guusha horyaalka La Liga, kaddib markii ay si “doqonimo ah” u lumiyeen dhibco muhiim ah bilihii la soo dhaafay.
Yamal, oo ku soo bilowday safka hore kulankii Real Mallorca, ayaa door muhiim ah ka qaatay guushii weynayd ee 5-1 ay Barcelona ka gaartay kooxdaas, ciyaar ka dhacday garoonka Son Moix. Wuxuu ciyaarta kaddib u sheegay Esport3 inay ahayd guul muhiim ah.
“Waxey Noo Aheyd Guul muhiim ah kaddib labadii guuldarro ee La Liga”
“Guushu waxay ahayd mid aad muhiim u ah kaddib labadii guuldarro ee horyaalka. Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan sidaas ku guuleysanno, oo aan helno gaar ahaan natiijo noocaas ah,” ayuu yiri.
“Qaybtii hore si fiican ayaan u fiicnayn, laakiin waa in aan dhammeystirnaa fursadaha cad ee aan helnay. Waxaan ciyaarta ugu soo baxnay fikirkaas, waana ku guuleysanay.”
Yamal ayaa sidoo kale ka hadlay caawintiisii cajiibka ahayd ee uu u sameeyay Raphinha, isagoo sheegay in ay tahay hab uu badi isticmaalo.
“Waa wax aan si fiican u sameeyo, marar badan, aad ayaan ugu faraxsanahay Raphinha. Waan is-fahannay si fiican, wuuna ogyahay in markaan goobtaas joogo aan mar walba isku dayo waxyaabo noocaas ah.”
“Guushu waxay muhiim u ahayd kooxda, si gaar ah kaddib dhibcaha doqonimada ah ee aan luminnay horyaalka. Champions League si wanaagsan ayaan u soconnay, laakiin La Liga dhibco badan ayaan ku luminay. Natiijadan ayaa muhiim u ah dhammaan ciyaartoyda, gaar ahaan kuwa fursadda yar heystay.”
Lamine Yamal ayaa xusay in dhaawacii canqowga uu ka fiicnaaday oo uu diyaar u yahay inuu ciyaaro inta loo baahdo. Caawintiisii ugu dambeysay ayaa tirada caawintiisa xilli ciyaareedkan ka dhigtay siddeed caawin 14 ciyaarood oo La Liga ah xilli uu la ciyaarayo kooxda tababare Hansi Flick.