Home Horyaalka Italy Lamine Yamal oo lagu amaanay Qaab ciyaareedkiisa ee xilli ciyaareedka 2024/25

Lamine Yamal oo lagu amaanay Qaab ciyaareedkiisa ee xilli ciyaareedka 2024/25

0

Lamine Yamal, xiddiga Barcelona, ayaa lagu ammaanay bilowgiisa cajiibka ah ee xilli ciyaareedka 2024/25, iyadoo xiddigii hore ee La Liga, Juanfran Moreno, uu sheegay inuu xitaa ka fiicanyahay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo markay 17 jir ahaayeen.

Yamal, oo 17 sano jirsaday bishii Luulyo, wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray guushii Spain ee UEFA Euro 2024, iyadoo qaab ciyaareedkiisii fiicnaa uu sii socdo xilli ciyaareedkan. Wuxuu hoggaaminayaa La Liga marka la eego caawinta goolasha, isagoo 9 caawin ka sameeyay horyaalka, iyadoo Barcelona ay hoggaanka horyaalka heysato xilli uu meel dhexe marayo.

Juanfran Moreno ayaa ku yiri waraysi uu siiyay Relevo:

“Lamine Yamal wuxuu samaynayaa taariikh. Ma jiro qof 17 jir ah oo sameeyay waxa uu sameynayo, xitaa Messi ama Ronaldo, Waxaan arkaynaa ciyaaryahan maanta, da’dan, ah kan ugu fiican taariikhda.”

Wuxuu sii raaciyay:

“Wuxuu leeyahay awood uu si dabiici ah u maareeyo wax walba. Waa wiil garoonka soo gala adigoo arkaya isagoo dhoolla-caddeynaya, ma muujiyo xanaaq, markuu laad qaato, wuu is muujiyaa. Waxaan arkayaa ciyaaryahan tusaale u ah garoonka iyo bannaankiisaba.”

Yamal ayaa laga filayaa inuu sii wato jebinta rikoodhadii hore, iyadoo uu haysto fursad uu ku jebiyo rikoodhka caawinta goolasha ee Messi oo ah 20 caawin xilli ciyaareedkii 2019/20, marka uu 2025 soo gaaro.

Waxaa si weyn loo hadal hayaa in Lamine Yamal uu noqon karo xiddig mustaqbalka taariikhda kubadda cagta ku baaqi noqon doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here