Lampard, iyo Rooney oo ku jira liiska Macalimiinta u sharaxan shaqada Everton ee banaan

Everton ayaa diyaarisay liiska tababareyaasha u sharaxan badalka Rafa Benitez .

Macalinka Isbaanishka ayaa laga ceyriyay kooxda ka dib guuldaradii ka soo gaartay Norwich City kulan ka tirsan Premier League isbuucaan.

Duncan Ferguson ayaa si ku meel gaar ah u haya xilka, iyadoo BBC ay ku warantay in Everton ay heysato magacyo dhowr ah oo ay ka fiirsaneyso inay u qabtaan shaqada joogtada ah.

Liiska waxaa ka mid ah Wayne Rooney iyo Frank Lampard , oo ah laba halyeey oo Premier League ah.

Rooney ayaa hadda maamula Derby County ee Championship- ka , halka Lampard uu shaqo la’aan yahay.

Roberto Martinez , oo hore u soo maamulay Everton , haatana maamula Belgium, ayaa sidoo kale la tixgelinayaa.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*