Tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa ka dhawaajiyay in Fikayo Tomori uu amaah kaga tagi karo kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Tomori – oo soo galay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaartii Blues ’ee FA Cup-ka ee ay ka adkaadeen Morecambe – ayaa ku dhibtooday waqtiga ciyaarta xilli ciyaareedkan, waxaana laga yaabaa in amaah lagu bixiyo.
23 jirkaan ayaa saftay kaliya hal kulan Premier League xilli ciyaareedkaan, mustaqbalkiisana wuxuu ahaay mid hada hadal haya in muddo ah, iyadoo Leeds United iyo Newcastle United lala xiriirinayo inay u dhaqaaqayaan.
Horaantii bishaan, BBC Sport ayaa sheegatay in Leeds ay u muuqato inay tahay ‘meel macquul ah’ inuu tago Tomori.
Leeds waa ka jilicsan tahay dhanka daafaca kadib dhaawacyada Robin Koch, Diego Llorente iyo Liam Cooper, daafac cusub oo bisha Janaayo amaah ku noqon kara ayaa ah mid caqli gal ah.
Si kastaba ha noqotee, sida Phil Hay iyo Graham Smyth – saxafiyiin si fiican ugu xiran Leeds – waxay caddeeyeen in Caddaanka aysan xiiseyneynin inay la soo wareegaan ciyaaryahan kasta bishaan, maadaama Marcelo Bielsa uu ku faraxsan yahay waxa uu helay.
Lampard ayaa hada si maldahan u sheegay in Tomori uu bixi karo bisha Janaayo, waxaana macquul ah inay albaabka u fureyso Leeds ama Newcastle inay helaan laacibka.
“Xaaladda Fikayo waa nooc furan xilligan,” ayuu yiri Lampard, sida laga soo xigtay Sky Sports. “Waxaa macquul ah inuu amaah ku aado si uu meel kale ugu ciyaaro. Taasi waxay noqon laheyd xalka saxda ah ee isaga iyo kooxda, ”
Waxay ahayd qeyb ka mid ah fikirkeyga ku aadan inuusan kusoo bbilaaban kulan FA CUP.
Waxaan siiyay daqiiqado dhamaadka, laakiin inta aan fiirineyno taas, waxaan doonayay inaan hubiyo inay tahay waxa saxda noo ah koox ahaan iyo shaqsi ahaanba, sidaa darteed isagu kuma uusan bilaaban taas.
“Laakiin aragtidiisa – iyo inuusan ciyaareynin dhawaanahan, ma ahan wax fudud, waxaa jira shan daafac dhexe oo kooxda ah – wuxuu ahaay mid cajiib ah xaga tababarka maalin kasta iyo sida uu yahay, marka taasi waa sida ay aheyd maanta.