Laporta oo Sheegay Mudadad lagu soo Afjarayo Dhismaha Garoonka Cusub ee Nou Camp

Madaxweynaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in dib u dayactirka garoonka Nou Camp uu dhamaan doono sanadka 2025-ka.

Laporta ayaa ku adkeysanaya in qorshayaasha ay ku sii socdaan sida loo rabay inkasta oo ay jiraan arimo ka baxsan

Waxa uu yiri “Aragti ahaan, shaqooyinka dib u habeyntu waxa ay bilaaban doonaan Sebtembar. Waxaan horay u wadnaa ogolaanshaha qorsheynta. Marxalad hore ayay maraysaa.

“Waxaan saadaalineynaa in garoonku la dhameyn doono 2025. Waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo si aan u xaqiijiyo in taasi noqoto mid dhab ah. Waxaan leenahay ujeeddooyin iyo dariiqo aan sidaas ku sameyn karno, laakiin waxaan rabnaa inaan si wanaagsan u maareyno hantidayada.

“Waa mashruuc aan caadi ahayn oo magaalada u ah. Waxaan haysanaa waqti badan oo aan dib u habeyn ku sameyneyno si aan halkaas ugu ciyaarno 2023. Waxa ugu muhiimsan waa ku haboon yahay ciyaaraha riwaayadaha. Ujeedo wanaagsan, waxaan ka shaqeyn karnaa arintan.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*