Home Wararka Ciyaaraha Maanta Lautaro Martinez oo ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Inter Milan?

Lautaro Martinez oo ku dhow inuu heshiis cusub u saxiixo Inter Milan?

0
@Reuters

Weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo San Siro inkasta oo uu xiriir joogto ah la leeyahay Barcelona .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa loo arkaa bartilmaameedka koowaad ee Blaugrana xagaagii lasoo dhaafay ka dib markii uu ka tagay Luis Suarez , laakiin u dhaqaaqitaankii Catalonia ayaa ku guuldareystay inuu dhaqan galo, waxaana uu weli uu sii wadaa wada-hadalka kooxda Inter.

Hadal heynta mustaqbalka Martinez ayaa qabowday iyadoo Barca la filayo inay u weecatay dhanka Lyon Memphis Depay , ninka Inter ayaana rajeynaya inuu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxda Antonio Conte dhawaan.

Martinez oo la hadlayey Sportweek ayaa yidhi: “Waan ku faraxsanahay Inter, Milan waa magaalo weyn. Wakiilkeyga iyo kooxdu way wada hadlayaan aniguna waan daganahay. Kaliya waxaan doonayaa inaan wax walba u dhiibo Inter, ka dib waan heshiin doonnaa.”

23 jirkaan ayaa durbaba dhaliyay 10 gool isla markaana caawiye ka ahaa shan kale tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2020-21, qandaraaska uu haatan kula joogo kooxda Inter ayaana dhacaya xagaaga 2023.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here