Layaab: Manchester United oo Qeybta hore laga dhaliyay 4 Gool

Man United ayaa lo diiwaangeliyay mid ka mid ah rikoodhyada ugu xun taariikhda Premier League, madaama ay maanta noqotay markii ugu horeysay abid ee 4-0 lagu hogaamiyo Man United kulan horyaalka ah iyadoo 45 daqiiqo la ciyaaray.

David de Gea oo looga bartay inuu badbaadino badan sameeyo ayaa maanta fashilmay iyadoo qaladaadkiisa ay madax xanuun ku noqdeen tababaraha cusub Erik ten Hag oo wajahaya guuldaradiisii labaad ee isku xigta ee horyaalka Ingariiska.

Brentford ayaa wacdarro ku dhigeysa garoonkeeda, ma jirto wax haba yaraatee u hagaagay United 45tii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta, ma aysan sixin xitaa baas ama karoos iskaba daa kubada isku xiran oo weerar ama difaacasho ah.

Waa markii ugu horeysay abid ee Man United lagu hogaaminayo afar gool kulan Premier League iyadoo la ciyaaray kaliya 45 daqiiqo.

David de Gea ayaa qalad weyn ku lahaa goolkii ugu horeysay ee ciyaarta ka dibna wuxuu sameeyay qalad kale isagoo damcayay inuu kubada gadaal ka soo dhiso taasoo keentay in United 2-0 lagu hogaamiyo daqiiqado gudaheed.

Garoonka Brentford ee Community Stadium ayaa sawaxanka iyo damaashaadka uu is qabsaday iyagoo ku maadeysanaya Man United, waxayna ku heesayeen: “Waxaad heerka labaad la aadeysaan Fulham”

Gary Neville oo ah halyeey hore oo Man United ah oo u waramayay Sky Sports ayaa yiri: “Waxaan ka fekerayaa hal sheey oo fiican oo ay Man United sameysay kulankaan, kama fekeri karo xitaa hal sheey. Xitaa ma arkin kubada la jiidayo, karoos ama baas la saxay. Hal sheey oo fiican oo ay sameeyeen ma jirto.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*