Lee Carsley ayaa si ku-meelgaar ah ula wareegay hogaaminta xulka qaranka England kaddib markii Gareth Southgate uu xilka ka degay. Carsley ayaa xulkiisa u horseeday inay u dalacaan heerka sare ee Nations League kaddib lix kulan oo uu maamulay.
Labada xiddig ee Jude Bellingham iyo Jack Grealish ayaa si weyn u amaanay Lee Carsley, iyagoo ku bogaadiyay inuu dib u soo celiyay farxadda xulka England. Carsley ayaa ku soo gabagabeeyay waqtigiisa xulka guul weyn oo ay ka gaareen Ireland, inkastoo ay jirtay guuldarro ka soo gaartay Greece bishii Oktoobar.
Jude Bellingham ayaa sheegay in Carsley uu dib u soo celiyay jacaylkii uu u qabay xulka england.
“Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Lee iyo shaqaalihiisa wixii ay qabteen intii lagu jiray kulamadii ugu dambeeyay,” ayuu Bellingham ku soo qoray Instagram. “Waxaan dib u helay dhoola-caddeyntii aan ku heystay funaanadda England, aad ayaan ugu mahadnaqayaa!”
Hadalka Bellingham ayaa u muuqda mid ka tarjumaaya niyad-jab uu horey u dareemay ka hor intii uusan Carsley la wareegin xilka.
Dhanka kale, Jack Grealish ayaa muujiyay siduu ugu faraxsan yahay inuu ka hoos shaqeeyo tababare Carsley. Xiddiga Manchester City oo laga reebay liiskii Gareth Southgate ayaa aad ugu dheeraaday ammaanida Carsley.
Grealish ayaa ku soo laabtay xulka England markii uu Carsley xilka la wareegay. “Waa tababare heer sare ah & tababare cajiib ah!” ayuu Grealish ku qoray Instagram.