Leeds 0-3 Chelsea: Blues oo guul gaartay una dhow booska loogu soo boxo Champions League

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa finalka FA Cup-ka kadib markii ay 3-0 ku garaacday Leeds United oo 10 ciyaartoy ah taas oo kooxda Thomas Tuchel ku soo dhawaatay u soo bixitaanka Champions Leaque-ga.

Mason Mount ayaa goolasha u furay Chelsea Daqiiqadii 4aad ka hor inta ay Pulisic iyo Lukaku guusha u xaqiijin qeybtii labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 55aad iyo 83aad ee ciyaarta iyadoo Daniel James uu casaan ka qaatay Leeds bartamihii qeybta hore ee ciyaarta.

Goolashaas ayaa Chelsea ka caawiyay inay uga talaabsato kooxda halista ugu jirta inay heerka labaad u dhacdo ee Leeds United kuwaasoo casaan qaatay kulankii labaad ee isku xiga ee Premier League.

Leeds waxay haatan ugu cadcadahay inay ku biirto kooxaha Norwich iyo Watford madaama ay ku jiraan kaalinta 18aad iyagoo 34 dhibcood la wadaaga kooxda kaalinta 17aad ee Burnley laakiin Burnley kulan ayaa u harsan marka loo eego Leeds halka Everton oo kaalinta 16aad ku jirta islamarkaana labo dhibic ka sareysa Leeds ay labo kulan u harsan tahay.

Dhanka Chelsea waxay sii xajisteen booskooda kaalinta 3aad ee miiska kala sareynta iyagoo ka fogaaday Arsenal oo ku soo dhawaatay kulamadii ugu danbeeyay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*