Leeds oo aqbashay dalabka Chelsea iyadoo Barcelona Rajo ka qabto Raphinha

Barcelona ayaa diidan inay bixiso qiimaha Leeds United ku dooneyso Raphinha. lakin kooxda ayaan ka rajo dhigin saxiixa Raphinha, sida ay qortay Sport .

Maalmihii la soo dhaafay waxay xiriir la sameeyeen Leeds si ay u bilaabaan wada xaajood. Chelsea ayaa heshiis kula jirta kooxda reer England, waxayna kaliya u baahan tahay 25 jirka garabka ka ciyaara inuu aqbalo, inkastoo wakiilkiisa Deco uu sidoo kale doonayo inuu u wareejiyo Camp Nou.

Kooxda reer Catalan ayaa dooneysa inay 55 milyan oo Yuuro ku gaarto garabka reer Brazil.

 Raphinha ayaa laga yaabaa inuu bedelo Ousmane Dembele , kaasoo si rasmi ah u ah xor. Sida cad, saxiixa waxaa shuruud ku xiray Faransiiska.

Leeds ayaa weydiisaneysa 70 milyan oo Yuuro, taasoo ah waxa ay Chelsea bixineyso. Si kastaba ha ahaatee Raphinha ayaa haatan hakad ku jira Blues waxana uu sugayaa in uu u wareego Camp Nou iyo in kale.

Lasoco Waxa soo kordha

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*