Home Falanqeynta Kulamada Leicester City oo 3-1 ku Xasuuqday Liverpool kana tirtirtay Rajada Horyaalka

Leicester City oo 3-1 ku Xasuuqday Liverpool kana tirtirtay Rajada Horyaalka

0

Liverpool ayaa mar kale Xaalka ku sii xumaaday kadib markii guul daro xanuun badan kala kulantay kooxda Leicester City oo gurigeeda lagu ciyaarayay kulankan.

Inkastoo Liverpool ku hormartay hogaanka ciyaarta kadib gool uu u dhaliyay Salah oo baas qurux badan ka helay Roberto Firmino Daqiiqadii 67 aad ee ciyaarta hadana Leicester City ayaa wax ka yar 15 daqiiqo uga dhalisay 3 gool oo ka heshay James Maddison, Jamie Vardy, iyo Harvey Barnes, Daqiiqadihii 78-aad 81-aad iyo waliba 85-aad ee ciyaarta.

Liverpool ayana hada u muuqata kuwa soo gaba gabeeyay rajadooda horyaalka iyagoo u dhici kara booska 5-aad ee Horyaalka hadii Chelsea ay badiso kulanka soo socda ee Horyaalka.

Maxaa Xiga.

Kooxda Liverpool ayaa kulankeeda xiga ciyaaridoonta Horyaalka Yurub ee Champions League iyadoo booqan doonta kooxda rb leipzig.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here