Leicester City oo garaacday Kooxda Chelsea hogaanka Horyaalkana u qabatay si kumeel gaar ah

Photo ByTom Jenkins/NMC Pool/The Guardian

Xidigaha Leicester City ayaa guul daro xanuun badan caawa dhabarka u saarisay kooxda Chelsea kulan ka tirsan Horyaalka Premeir League-ga iyagoo qabtay hogaanka horyaalka.

Frank Lampard iyo xidigihiisa ayaan markale xaalka ku sii xumaanayaa kadib markii guuldaro 2-0 ay kala kulmeen Leicester City iyadoo Blue ay awoodi wayday in ay iska keento labada gool.

Kooxda Martida aheyd kuma qaadan 6 daqiiqo in ay hogaanka u qabato ciyaarta waxana hogaanka u dhiibay Wilfred Ndidi ka hor inta uusan goolka labaad shabaqa ku hubsan James Maddison daqiiqadii 41-aad qeybta hore ayaana lagu kala nastay labadaasi gool iyadoo qeybta danbe aan waxba leeska dhalin.

Natiijada ayaana ka dhigeysa in Kooxda Leicester City ay qabato hogaanka horyaalka iyagoo leh 38 dhibcood si kumeel gaar ah ayayna noqon kartaa hadii Manchester United ay guul ka gaarto Fulham habeen danbe.

Maxaa Xiga

Chelsea ayaa la ciyaaridoonta Luton Town kulanka xiga koobka Super Cup-ka halka Leicester City ay la ciyaaridoonto Brentford isla kooban

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*