kooxda Chelsea ayaa laga qaaday koobka FA Cup-ka kadib guul daro kasoo gaartay kooxda Leicester city ciyaar ku dhamaatay 1-0.
Chelsea oo laga dhaliyay gool qalad ahaa ayaa dhankeeda laga diiday gool kadib markii loo fiiriyay VAR kaasi oo tilmaamay kubad ofside ah.
Sharaxaada Ciyaarta.
Qeybta hore Chelsea iyo Leicester city ayaa soo bandhigay ciyaar adag inkastoo midkoodna aysan u suura galin in ay shabaqa soo taabtaan.
Daqiiqadii 22aad ee ciyaarta Mount ayaa helay fursad inkastoo aysan u suura galin in uu u badalo gool waxana lagu kala nastay 0-0.
Daqiiqadii 63aad ee qeybta danbe ayay Leicester city u suura gashay in ay hogaanka ciyaarta qabato kadib markii xidiga Youri Tielemans uu shabaqa ku hubsaday kubad shuut ah oo uu gaari waayay goolhayaha Chelsea.
inkasto oo aan la fiirin hadana goolka ka hor waxay kubadaasi gacanta ugu dhacday mid kamid ah xidigaha Leicester City.
Daqiiqadii 89aad Chelsea ayaa heshay goolka bar-baraha ee ciyaarta markii uu gool iska dhaliyay Wes Morgan lakin VAR oo dib loo daawaday waxaa la diiday goolkaasi madama ben Chilwell uu ku jiray Offside. guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0.
Chelsea ayaa isku diyaarineysa Finalka Champions league oo ay la ciyaaridoonta kooxda Man City ka hor waxay la ciyaaridoontaa kooxda Leicester City.