Home Warar Ciyaaraha Maanta Leny Yoro oo wacad ku maray inuu si Deg deg ah u...

Leny Yoro oo wacad ku maray inuu si Deg deg ah u soo laaban doono

0

Leny Yoro ayaa wacad ku maray inuu si xoogan u soo laaban doono ka dib markii qaliin looga sameeyay cagta kadib dhaawac soo gaadhay.

Daafaca dhexe ee reer France oo £58.9m ugu soo biiray Man United isaga oo kaga soo biiray kooxda Lille.

United ayaa xaqiijisay in Yoro uu maray qaliin horaantii isbuucaan, 18-sano jirkaan ayaana hada hadlay si uu ugu mahadceliyo taageerayaashiisa cusub taageeradooda.

“Tani maaha bilawgii aan doonayay, laakiin taasi waa kubbadda cagta,” ayuu qoray.

“Qaliinku si wanaagsan ayuu u dhacay, waad ku mahadsantihiin fariimaha badan ee taageerada ah”.

“Hadda, waa waqtigii dulqaadka iyo shaqada baxnaanintu. Si dhakhso ah ayaan u soo laaban doonaa aniga oo ka xoogan sidii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here