Wargeyska L’Equipe ee Faransiiska ayaa saadaalinaya in xiddiga Paris Saint -Germain Neymar uu ku dhibtoon doono codadka si uu ugu guuleysto abaalmarintiisii ugu horreysay ee Ballon d’Or – iyadoo shan ciyaartoy laga soo doortay.
Abaalmarinta Ballon d’Or ee qiimaha leh ayaa la baajiyay 2020 sababtuna tahay masiibada Covid-19 laakiin 29-ka November ayaa mar kale lagu dhawaaqidoonaa.
Laakiin wargeysku ma filayo in mid ka mid ah xiddigaha reer Brazil ee Paris uu kor u qaadi doono abaalmarinta shaqsiga ah, taas beddelkeeda wuxuu soo xushay Jorginho, Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Robert Lewandowski iyo Lionel Messi oo ah shanta qof ee ku guuleysan kara.
Xiddigaha Manchester City ee Ruben Dias iyo Kevin De Bruyne, iyo sidoo kale xidigaha England Raheem Sterling iyo Harry Kane, ayaa dhammaantood kaga horeen kara Neymar.
Wargeyska ayaa jaldiga hore ee saaka L’Equipe ku soo xardhay Xidigahan iyadoo Messi uu ku guuleestay Copa America, Jorginho oo Champions League la qaaday Chelsea iyo Euro oo uu la qaaday Talyaaniga, Benzema iyo Lewandowski oo isku heesta No 9 ugu fiican adduunka iyo Ronaldo oo ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Talyaaniga.