Leroy Sane ayaa sheegay in uu kaliya ka fikirayo mustaqbalkiisa kooxda Bayern Munich inkasta oo lala xiriirinayo ku soo laabashada horyaalka Premier league.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Germany ayaa ku biiray kooxda reer Germany sanadkii 2020 ka dib markii uu labo koob kula guuleystay kooxda Manchester City.
Xiddiga Sane ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda reer Germany waxana uu si joogto ah ugu ciyaaray kooxda laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.
Qandaraaskiisa ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxaana dhawaan la isla dhexmarayay in Sane uu ku laaban karo Premier League, iyadoo Manchester United iyo Arsenal lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan xaaladiisa.
Waxa uu u sheegay BILD: “Runtii waxaan dareemayaa raaxo, wadahadalada maamulka kooxdu waa kuwo aad u wanaagsan oo la aamini karo”.
“Waxaan ku dareemayaa raaxo kooxda iyo qolka labiska, waxa aniga ii quseeya ayaa ah inaan qeyb muhiim ah ka ahay qorshaha Bayern, waxaana doonayaa inaan xaqiijiyo doorkan”.