Lewandowski oo shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay Messi kadib guuldaradii Poland ka soo gaartay Argentina

Robert Lewandowski ayaa shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay Lionel Messi kadib guushii ay Argentina ka gaareen Poland koobka adduunka 2022.

Labada ciyaaryahan ee ugu waa weyn ciyaarta ayaa la arkayay iyaga oo is dhaafsanaya erayo kooban dhamaadkii ciyaarta, waxaana Lewandowski uu sharaxay qaar ka mid ah waxyaabihii la yiri.

“Waan wada hadalnay xoogaa, waxay ahayd madadaalo. Waxaan u sheegay Messi in aan u ciyaarayo si ka badan difaac sidii caadiga ahayd – laakiin mararka qaar taasi waa waxa ay kooxdu u baahan tahay,” ayuu sharaxay.

Lewandowski ayaa sidoo kale qirtay in dareeno kala duwan uu ka qabo guuldaradii Poland.

“Waxaan qiyaasayaa inay tahay markii ugu horeysay ee aan dareemo inaad faraxsanaan karto khasaaro ka dib,” ayuu yidhi. “Waxaad dhihi kartaa waa guul darro farxad leh.

“Kuma faraxsani qaabka aan u ciyaarnay. Dabcan maya. Kuma farxi karno ciyaarta lafteeda. Ma aanan dooneynin inaan qaadno wax khatar ah, waad ogtahay, waxaan gaarnay natiijadeena sababtoo ah waxaan gaarnay wareega xiga. Inkasta oo aanu guuldarraysanay haddana waan ku farxi karnaa.”

Poland ayaa la ciyaari doonta France si ay ugu soo baxdo wareega 8-da, Lewandowski ayaa og in ay tahay wax adag oo la waydiin doono kooxdiisa.

“Waa mid kale oo ugu cadcad inaan ku guuleysano horyaalka aduunka, mana jirto wax naga maqan,” ayuu raaciyay.

“Waan ognahay nooca ciyaaryahan ee ay haystaan ​​laakiin waa inaan ku raaxaysanaa oo aan samaynaa waxa ugu fiican. Waa inaan la dagaallanaa (…) France waxay noqon doontaa caqabad weyn, waana inaan u ciyaarnaa si ka wanaagsan maanta.”

Lewandowski ayaa wajihi doona France maalinta Axada ah . Guuleystayaasha ayaa wareega xiga la ciyaari doona midkood Senegal ama France

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*