Waxa dhawaan xidhmay suuqa January waxana soo baxaya xogo ku saabsan saxiixyadii la sameeyay mudadii bisha ahayd ee uu furnaa suuqa January.
Guud ahaan kooxaha kala duwan ee yurub ayaa suuqa galiyay lacag dhan 484 milyan oo euro kuwaas oo ay ku bixiyeen saxiixyo cusub oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan kooxdoda.
Kooxda Newcastle ayaa loo doortay ama noqotay kooxda lacagta ugu badan galisay suuqii January iyada oo milkiilayaashooda cusub ee carabta ah bilaabeen in ay dhisaan kooxda.
Mar kale Premier League ayaa muujiyay in uu yahay horyaalka lacagta ugu badan galiya suuqa kala iibsiga maadama uu 6 kooxood ku leeyahay 10-ka kooxood ee lacagta ugu badan suuqa galiyay.
Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 10-ka kooxood ee lacagta ugu badan galiyay suuqii January.
- Newcastle – €102m
- Juventus – €97m
- Barcelona – €65m
- Liverpool – €45m
- Everton – €37.5m
- Aston Villa – €30m
- Tottenham – €29m
- Fiorentina – €28m
- Zenit – €27m
- Watford – €24m