Home Wararka Ciyaaraha Liiska: 10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisanaa Suuqii January Oo La Soo Saaray.

Liiska: 10-ka Saxiix Ee Ugu Qaalisanaa Suuqii January Oo La Soo Saaray.

0
Ad

Suuqii January ee socday mudada bisha ah ayaa si Rasmi ah u xidhay Isniintii waxana ay kooxuhu haatan isku diyaarinayaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Suuqa January ayaa la galiyay lacag waali ah iyada oo kooxaha reer yurub doonayeen in ay xoojiyaan kooxohooda si ay ugu dagaalamaan koobabka qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Ad

Kooxda Juventus ayaa ah kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa January iyada oo suuqa galisay lacag dhan 90 milyan oo ay kula soo wareegtay xiddiga Dusan Vlahovic.

Dhanka kale Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddiga Luis Diaz halka ay Barcelona la soos axiixatay xiddiga Ferran Torre xilli ay Newcastle United baanka u jabisay xiddig Bruno Guimaraes.

Hadaba Halkan Kaga Bogo 10-kii saxiix ee ugu qaalisanaa suuqii January ee xidhmay:

No. Xiddiga Lacagta K/ ka Tagay K/ku biiray Heshiiska
1. Dusan Vlahovic $90 million Fiorentina Juventus June 2026
2. Ferran Torres $60.5 million Man City Barcelona June 2027
3. Luis Diaz $49.5 million Porto Liverpool June 2027
4. Bruno Guimaraes $46.31 million Lyon Newcastle June 2026
5. Lucas Digne $33 million Everton Aston Villa June 2026
6. Chris Wood $33 million Burnley Newcastle June 2024
7. Vitaliy Mykolenko $25.85 million Dynamo Kyiv Everton June 2026
8. Yuri Alberto $22 million Internacional FC Zenit June 2027
9. Rodrigo Betancur $20.9 million Juventus Tottenham June 2026
10. Julian Alvarez $18.7 million River Plate
Previous articleBurkina Faso 1-3 Senegal: Mane oo shabaqa soo taabtay iyadoo Libaaxyada Teranga ay gaareen finalka Koobka Qaramada Africa
Next articleReal Madrid oo xiiso u qabta Daafaca Kooxda Rayo Vallecano ee Fran Garcia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here