
15 kooxood ayaa usoo gudbay wareegga 16ka tartanka Champions League, waxaana la sugayaa laba kooxood oo ciyaartoodii ay u baaqatay baraf ka da’ay Talyaaniga, kuwaas oo Khamiista soo kala bixi doona.
Kooxaha Lille iyo FC Salzburg ayaa usoo gudbay wareegga 16ka iyaga oo iska reebay Sevilla oo kaalinta saddexaad ku dhamaysatay, kana ciyaari doonta tartanka Europa League. Waxa kale oo tartanka Champions League ka baxday Barcelona, kaddib guul-darro qadhaadh oo ay kala kulantay Bayern Munich taas oo ay group-kooda kasoo wada baxeen Benfica oo hal dhibic ka sare martay Barca.
Labadan kooxood ee reer Spain ayaa Europa League kala soo muuqan doona AC Milan, RB Leipzig iyo Borussia Dortmund.
Kulankii u dhexeeyay kooxaha Atalanta iyo Villarreal oo ay isku Group yihiin Manchester United ayaa la baajiyey, waxaana labadaas kooxood ay midkood kusoo bixi doontaa kaalinta labaad maadaama ay Manchester United noqotay kooxda booska koowaad kusoo gudubtay.
Kooxaha usoo gudbay wareegga 16ka
Group A: Manchester City & Paris Saint-Germain
Group B: Liverpool & Atletico Madrid
Group C: Ajax & Sporting Lisbon
Group D: Real Madrid & Inter Milan
Group E: Bayern Munich & Benfica
Group F: Manchester United & Atalanta ama Villarreal
Group G: Lille iyo RB Salzburg
Group H: Juventus iyo Chelsea.
Goorma ayaa la samaynayaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League
Maalinta Isniinta ee December 13, ayaa la samayn doonaa isku-aadka wareegga 16ka Champions League.
Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada wareegga 16ka
Kulamada koowaad waxay dhacayaan labada maalmood ee February 15 & 16, halka kulamada labaadna ay la ciyaari doono March 8 & 9.
Goorma ayaa la samayn doonaa isku-aadka wareegyada Siddeedda, Semi-finalka iyo Finalka?
Maalinta Jimcaha ee March 18 ayaa la samayn doonaa isku-aad xaqiijinaya illaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment