Liiska: 8 Xidig oo Arsenal ah oo Shaki lagu muujinayo kulankooda Tottenham

Safka Arsenal ayaa ah mid dhaawacyo badani ku gadaaman yihiin kahor kulanka adag ee hoggaanka Premier League loogu dagaalamayo ee ay Sabtida qaabilayaan Tottenham.

Xiddigaha dhaawacyada u nugul ee Thomas Partey, Kieran Tierney iyo Takehiro Tomiyasu ayaa dhammaantood xilli hore kasoo laabtay waajibaadka xulalkooda halka Oleksandr Zinchenko uu ka maqnaanayo xulkiisa Ukraine kulanka ay ciyaarayaan Salaasada maanta.

Intaas waxa dheer in si dhaw loola socdo xaalada Martin Odegaard iyo Ben White kuwaas oo dhaawacyo yar yar la dhibtoonaya halka Emile Smith Rowe iyo Mohamed Elneny labaduba maqnaan doonaan kulanka Tottenham.

Iyadoo wax ka yar laba bilood lagaga jiro xilli ciyaareedka cusub ayay xiddigo badan oo Arsenal ahi durba werwer dhinaca taam ahaanshahooda ah ku sababayaan Mikel Arteta.

Xiddiga werwerka ugu badan ku haya Arteta ayaa ah khadka dhexe ee Partey kaas oo ku dhaawacmay diyaar garawgii kulankii saaxiibtinimo ee xulkiisa Ghana guuldarrada kala kulmay Brazil.

Partey ayaa siddeed kulan oo ay Gunners xilli ciyaareedka ka ciyaareen durba afar kamid ah seegay isagoo muujinaya sida aan la iskugu halayn karin.

Wali ma jiro war cadaan ah oo Arsenal kasoo saartay xaalada dhaawaca Partey xilli ay maalmo koobani ka hadheen kulanka Tottenham soo martiyayso.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*