Liiska Dhaawacyada Kooxda Manchester City ka hor kulanka Manchester United

Photo/Reuters

Manchester City ayaa laciyaareysa kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United isbuucaan kulan ka tirsan kulamada Premier League.

Citizens ayaa ciyaareysa kulanka Sabtida iyagoo dhabarka u saaran guulo xiriir ah oo horyaalka ah iyagoo aan wax gool ah laga dhalin, laakiin waxay hal dhibic ka hooseeyaan deriskooda.

Ciyaaro.com ayaa soo koobeysa Xidigaha dhaawaca iyo kuwa ganaaxa kaga maqan

Ilkay Gundogan

Xaaladda: Shaki yar
Nooca dhaawaca: Canqawga
Taariikhda suurtagalka ah ee soo noqoshada: December 12 (kulanka. Man Utd)

Gundogan ayaa ciyaarta ku bilaabay kooxda Marseille laakiin ciyaarta ayaa laga saaray waqtigii nasashada iyada oo wixii uu Guardiola markii dambe shaaca ka qaaday ay ahayd dhibaato anqawga ah. Catalan-ka ayaa sheegtay in go’aanka lagu badalay ciyaaryahanka khadka dhexe uu ahaa tallaabo taxaddar leh.

Eric Garcia

Xaaladda: Shaki weyn
Nooca dhaawaca: Dhaawaca muruqa
Taariikhda suurtagalka ah ee soo noqoshada: Diseembar 12 (vs. Man Utd)

Daafaca dhexe ee da ‘yar Garcia ayaa sidoo kale laga saaray kulankii Marseille, arinta dhaawiciisuna waxay umuuqataa mid ka khatar weyn Gundogan. Ciyaaryahankii hore ee Barcelona ayaa haatan umuuqda mid hubaal ah in laga reebay safka United ee kulankaan, inkasta oo uusan wali xaqiijin Guardiola.

Ganaaxa 

City ma lahan ciyaartoy ganaax kaga maqnaan doona kulanka Manchester Derby.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*