Home Horyaalka England Liiska iibka ee Chelsea oo lagu daray Mid kamid ah Daafacyada muhiimka...

Liiska iibka ee Chelsea oo lagu daray Mid kamid ah Daafacyada muhiimka ah ee kooxda

0
Musharaxiinta ugu sareysa Chelsea ee la iibin doono xagaagan ayaa la sheegay inuu ku jiro Ben Chilwell.

Bleus ayaa ku riixaysa inay meesha ka saarto lacag badan oo dakhligoodu sarreeyo taasi oo keentay iibinta qaar kamid ah xidigaha kooxda.

Sida laga soo xigtay The Athletic , Chilwell ayaa hada da’diisa waxay tahay 27 sano jir waxana loo arkaa xidigaha iibka ah.

Tababaraha cusub Enzo Maresca ayaa jeclaan lahaa inuu isticmaalo, laakiin wuxuu ka warqabaa in Chilwell uu qabo arrimo dhaawac taasoo la micno ah inuusan mar walba la isku halayn karin.

Si kastaba ha ahaatee, rikoorka dhaawaca xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa la micno ah in lagu iibindoono qiimo hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here