Liiska:- Manchester United oo afar ciyaartoy ka maqanyihiin kulankii Europa League

Edinson Cavani , Donny Van De Beek , Scott McTominay iyo Paul Pogba ayaa weli ka maqan Manchester United kulankeeda Real Sociedad ee Europa League  ee lugta labaad ee wareega 32-aad.

Cavani iyo Van De Beek ayaa seegay kulankii lugtii hore ee ka dhacay Turin lugtii hore 4-0 sababo la xiriira cabashooyin muruqa ah, halka McTominay uusan ciyaarin tan iyo markii ciyaarta laga saaray iyadoo socota 60 daqiiqo.

Pogba ayaa bilaabay inuu xoojiyo ka soo kabsashadiisa dhaawac bowdada ah Phil Jones ayaa weli ku maqan dhaawac jilibka ah, halka dhaawaca garabka uu u diiday 18 jirka Hannibal Mejbri fursad uu ku sameeyo.

Shola Shoretire , oo 17 jir ah iyo Amad Diallo , oo 18 jir ah, ayaa raadinaya bilowgooda ugu horeeya iyagoo kulankoodii ugu horeysay ka soo muuqday kursiga keydka usbuucii la soo dhaafay, halka 19 jirka reer Northern Ireland Ethan Galbraith lagu soo daray safka United ee Europa League.

Safka kumeelgaarka ah ee Manchester United: De Gea, Henderson, Grant, Bishop, Bailly, Lindelof, Maguire, Shaw, Telles, Tuanzebe, Wan-Bissaka, Williams, Diallo, Fernandes, Fred, James, Galbraith, Mata, Matic, Shoretire, Greenwood, Martial, Rashford.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*