Liiska: Manchester United oo iibineysa Todobo Xidig oo kooxda ah bisha January

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa inay isku shaandhayn weyn ku samayn doonto safka kooxdeeda suuqa bisha January iyadoo la magacaabay toddoba xiddig oo albaabka Old Trafford laga saari karo.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu yareeyo safka kooxdiisa oo uu iibiyo ciyaaryahano uu ka sameeyo lacag uu dib suuqa ugu galo iyadoo dhawr kamida xiddigaha kooxda koowaad ay halis ugu jiraan in la fasaxo.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, xiddigaha kooxdaas ee la iibin karo ayaa kala ah Anthony Martial, Jesse Lingard, Donny Van De Beek, Phil Jones, Eric Bailly, Diogo Dalot iyo Alex Telles.

Midkoodna ciyaartoydaas haatan kuma jiro xiddigaha safka koowaad sidaas darteed iibintoosa ayaan wax weyn u dhimi doonin shaxda kooxda amaba xataa qoto-dheeraanta safka kooxda haddii bedelkooda la keeno.

Red Devils ayaa la fahamsan yahay inay qorshaynayaan inay wadahadalo ciyaartoydaas kala yeeshaan mustaqbalkooda suuqa kahor furitaanka suuqa qaboobaha.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*