Lionel Messi ayaa seegi doona kulanka Paris Saint-Germain ee Champions League ee ay Talaadada la ciyaarayaan Benfica sababtoo ah dhaawac yar oo lugta ka soo gaaray, kooxda Faransiiska ayaa sidaas sheegtay.
Weerar yahanka reer Argentina waxa uu fadhiistay kulankii ay PSG barbaraha goolal la’aanta ah la gashay Reims ee horyaalka Faransiiska dhamaadkii Isbuuc, sababtoo ah xanuunka mid ka mid ah lugtiisa.
Waxa uu markii hore dareemay dhaawaca lugtiisa dhamaadkii barbarihii 1-1 ee Benfica usbuucii hore markaasoo ay kooxuhu ku kulmeen Group H.
PSG ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Messi uusan wali diyaar u ahayn inuu ciyaaro.
Waxay u qornayd: ‘Iyadoo la kaalinayo dhaawaca, Lionel Messi ma ciyaari doono kulanka Benfica’.
Presnel Kimpembe, Nuno Mendes iyo Renato Sanches ayaa sidoo kale ku seegaya ciyaarta arrimo dhaawac waqti dheer ah.
Liiska buuxa:
1. Keylor Navas
2. Achraf Hakimi
4. Sergio Ramos
5. Marquinhos
6. Marco Verratti
7. Kylian Mbappe
8. Fabian Ruiz
10. Neymar Jr
14. Juan Bernat
15. Danilo Pereira
16. Sergio Rico
17. Vitinha
19. Paul Sarabia
26. Nordi Mukiele
28. Carlos Soler
31. El Chadaille Bitshiabu
33. Warren Zaire-Emery
35. Ismaaciil Gharbi
44. Hugo Ekitike
99. Gianluigi Donnarumma