Liiska Real Madrid ee Suuqa kala iibsiga oo lagu arkay Xidiga Trent Alexander-Arnold

Daafaca kooxda Liverpool ee Trent Alexander-Arnold ayaa loo malaynayaa in uu noqday bartilmaameedka suuqa kala iibsiga ee kooxda Real Madrid .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa durbaba Sameeyay seddex caawin lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan mana ahan inuu noqdo wakiil xor ah ilaa 2025.

Inkastoo uu ka mid yahay ciyaartoyda Jurgen Klopp ee lama huraanka ah, saxafiga Ekrem Konur ayaa sheegay in tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti uu ku daray liiska Los Blancos.

Si kastaba ha ahaatee, Real ayaa la rumeysan yahay in ku biiridda Alexander-Arnold xagaaga 2022 aysan noqon doonin mid fudud Liverpoolna ma tixgelin doonto dalabyada ka hooseeya £ 64m ee 23 jirka ah.

Daafaca midig ee ku guuleystay Premier League iyo Champions League ayaa durbaba u saftay Reds 185 kulan tartammada oo dhan, isagoo dhaliyay 10 gool iyo 47 kale.

Alexander-Arnold ayaa ku dhibtoonayay inuu ka gudbo dhibaato dhaawac oo gumaarka ah toddobaadyadii la soo dhaafay laakiin waxaa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka Premier League ee Sabtida ay la ciyaarayaan Watford.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*