Suuqa ayaa si toos ah u furan waxana kooxaha badankooda sameeyeen saxiixyo waaweyn halka kuwa kale ay yihiin kuwa qaab Xur ah kooxaha ku heleyn.
Warbaahinta Ciyaaro ayaa dib u eegeysa ilaa hada saxiixyada laga sameeyay Suuqa kuwooda ugu waaweyn.
Paul Pogba -> Juventus
Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ay qaab xor ah ula soo wareegtay.
Pogba aya ku soo laabtay Juventus kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay kooxda Man United dhamaadkii bishii hore.
Juventus ayaa xaqiijisay in uu Paul Pogba qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda marwada duqda ah.
Angel Di Maria -> Juventus:
Kooxda Juventus ayaa heshiis hal sano ah ka saxiixatay xiddiga Angel Di Maria kaas oo ay qaab xor ah kula soo wareegtay kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray PSG.
Xiddiga reer Argentine ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah oo ay kooxdu ka saxiixan doonto hadii uu si fiican u ciyaaro.
Tyrell Malacia -> Man United
Kooxda Man United ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Tyrell Malacia kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Feyenoord.
Man United ayaa Tyrell Malacia ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee Man United kadib markii ay si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga.
Man United ayaa xaqiijisay in ay Tyrell Malacia ka saxiixatay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta garoonak Old Trafford.
Kalvin Phillips -> Man City:
Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Kalvin Phillips kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Leeds United.
Kooxda Man City ayaa xiddiga Phillips ka saxiixatay heshiis 6 sano ah oo uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2028.
Gabriel Jesus -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Gabriel Jesus kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Man City.
Gunners ayaa Gabriel Jesus ka dhigtay saxiixoodii 3-aad ee suuqa xagaaga waxana ay ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Emirates.
Richarlison -> Tottenham
Kooxda Tottenham ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara ee Richarlison.
Tottenham ayaa xiddiga reer Brazil ee Richarlison kala soo wareegtay kooxda Everton iyaga oo ka saxiixday heshiis 5 sano ah.
Vitinha -> PSG
Kooxda PSG ayaa si Rasmi ah u shaacisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Vitinha kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto.
PSG ayaa xaqiijisay in ay Vitinha ka saxiixatay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ka dhisan caasimada France.
Romelu Lukaku -> Inter Milan
Kooxda Inter Milan ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Chelsea.
Inter Milan ayaa Romelu Lukaku kula wareegtay qaab amaah ah oo uu kula joogayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2022/2023.
Matty Turner -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Matty Turner kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda New England Revolution.
Arsenal ayaa xaqiijisay in ay Goolhayaha 28 jirka ah ka saxiixatay heshiis wakhti fg ah o uu ku joogi doono kooxda Arsenal.
Sadio Mane -> Bayern Munich
Bayern Munich ayaa ugu dambayn xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Sadio Mane kaas oo ay kala wareegtay Liverpool.
Xiddiga reer Senegal Mane ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ilaa xagaaga 2025.
Fabio Vieira -> Arsenal:
Kooxda Arsenal ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Fabio Vieira kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fc Porto.
Arsenal ayaa xaqiijisay in uu xiddiga Fabio Vieira qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono Arsenal.
Calvin Ramsey -> Liverpool
Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca midig ka ciyaara ee Calvin Ramsey kaas oo ay ka dhigtay saxiixeeda 3-aad ee suuqa xagaaga.
Liverool ayaa Calvin Ramsay kala soo wareegtay kooxda Aberdeen waxana ay ka dhigtay saxiixii 3-aad ee ay samaysay kooxdu.
Yves Bissouma -> Tottenham:
Kooxda Tottenham ayaa sii wada wacdarihii ay ka waday suuqa kala iibsiga iyaga oo dhamaystiray saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma.
Arsenal ayaa xiddiga Yves Bissouma kala soo wareegtay Brigton iyaga oo ka saxiixday heshiis wakhti dheer ah iyaga oo ka dhigay saxiixeedii 3-aad ee suuqa xagaaga.
Darwin Nunez -> Liverpool
Liverpool ayaa ugu dambayn shaacisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Darwin Nunez kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaaga.
Reds ayaa Nunez ka dhigtay sidoo kale saxiixeeda ugu qaalisan taariikhda iyada oo ka soo bixisay dhan 100 milyan oo euro kalana soo wareegtay kooxda Benfica.
Aurelien Tchouameni -> Real Madrid
Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco Aurelien Tchouameni sida uu sheegay saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano.
Real Madrid ayaa wadahadalo kula jirtay kooxda Monaco maalmihii la soo dhaafay iyaga oo doonaya in ay xiddiga Tchouameni ka dhigtaan saxiixooda 2-aad ee suuqa xagaaga.
Erling Haalandn -> Man City:
Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Erling Haaland.
Man City ayaa haatan boggeeda Internte-ka ku xaqiijisay in ay heshiis la gaadhay kooxda Dortmund si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Norway.
Haaland ayaa noqon doona xiddiga Man City ah 10 bisha June ee uu furmi doono suuqa kala iibsiga xagaaga.
Fabio Carvalho to Liverpool -> Liverpool:
Kooxda Liverpol ayaa ku dhawaaqday maanta saxiixa xiddiga Fabio Carvalho kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Fulham waxana ay ka saxiixatay heshiis 5 sano oo uu ku joogi doono kooxda Liverpool.
Ivan Perisić -> Tottenham:
Kooxda Tottenham ayaa ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Ivan Perisić kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Tottenham isaga oo qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah iska markaas noqday saxiixa ugu horeeya ee Antonio Conte.
Antonio Rudiger -> Real Madrid
Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga Antonio Rudiger kaas oo ay qaab xor ah ugala soo wareegtay kooxda Chelsea.
Daafaca dhexe ee reer Germany ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda ku guulaystay champions League.
Marquinhos -> Arsenal
Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Marquinhos kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda São Paulo.
Xiddiga da’yarka ah ee reer Brazil Marquinhos ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee ay kooxda Arsenal samaysay suuqa kala iibsiga.
Arsenal ayaa xiddiga Marquinhos ka saxiixatay heshiis wakhti fog ah oo uu ku joogi doono kooxda Arsenal kana qayb ahaan doono kooxda.