Liiska:- Saxiixyada la dhameestiray ilaa hada Suuqa kala iibsiga Bisha January

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo ayaa furan haatan iyadoo ciyaartoy badan lala xiriirinayo kooxo dhowr ah oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn Yurub, laakiin weli suuqa kala iibsiga kama dhicin heshiisyo qaali ah sababo la xiriira dhaqaale xumada uu sababay Korona Fayras.

Sidaasi oo ay tahay waxaa jira saxiixyo durbaba la dhameystiray haddii ay ahaan lahaayeen heshiisyo joogta ah iyo kuwa amaahba ah.

Waxaan halkaan idiin kugu soo koobeynaa saxiixyadii ugu waa weyn ee ilaa iyo haatan la dhameystiray islamarkaana si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Saxiixa ugu qaalisan ee Yurub ka dhacay bishaan Janaayo waa Dominik Szoboszlai kaasoo ka tagay kooxda reer Austria ee RB Salzburg kuna biiray kooxda Jarmalka ee RB Leipzig heshiis gaaraya 22.9 milan ginni.

Heshiiska ku xiga waa midka ay Ajax ku iibsatay xidigii West Ham Sebastian Haller iyagoo ku iibsaday adduun gaaraya 20 milyan ginni. Man United ayaa iyadana dhameystirtay saxiixa xiddiga garabka ka dheela Amad Diallo oo ay 18.7 milyan ginni uga soo iibsadeen kooxda Talyaaniga ee Atalanta.

Saxiixyadii La Dhameystiray Ilaa Iyo Haatan:

Amad Diallo: Atalanta → Manchester United – 18.7 milyan ginni

Sébastian Haller: West Ham United → Ajax – 20 milyan ginni

Dominik Szoboszlai: Red Bull Salzburg → RB Leipzig – 22.9 milyan ginni

Joakim Mæhle:  Genk → Atalanta – 9 milyan ginni

Omar Rekik: Hertha Berlin → Arsenal – 540 kun ginni

Diego Costa: Atlético Madrid – Waa la fasaxay

Carles Aleñà: Barcelona → Getafe – Amaah

Takefusa Kubo: Real Madrid → Getafe – Amaah

Sead Kolasinac: Arsenal →  Schalke 04  – Amaah

William Saliba:  Arsenal → Nice – Amaah

Radja Nainggolan:  Inter → Cagliari – Amaah

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*