Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si rasmi ah u soo xirmay iyadoo maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga la sameeyay saxiixyo badan oo waa weyn.
Waxay shabakada Laacib halkaan idiin soo gudbineysaa liiska dhameystiran ee saxiixyadii la dhameystiray maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga xagaaga.
Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay amaah hal xilli ciyaareed ah kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee Juventus Denis Zakaria. Blues waxay heysataa doorasho ah inay xiddiga reer Switzerland si joogta ah kula wareegto xagaaga danbe iyagoo bixinaya 30 milyan euro.
Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa weeraryahan Pierre-Emeric Aubameyang, iyagoo kala soo wareegay Barcelona, waxay ku soo iibsadeen 14 milyan euro iyadoo la kansalay qandaraaskii Marcos Alonso kaasoo si xor ah ugu biiraya Barcelona.
Liverpool ayaa si rasmi ah u dhameystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe Arthur Melo oo ay amaah hal xilli ciyaareed ah ugala soo wareegeen Juventus. Hishiiska kuma jirto qodob dhigaya inay si joogta ah u iibsadaan xagaaga danbe.
Hector Bellerin ayaa si rasmi ah ugu biiray Barcelona, ka dib markii Arsenal ay kansashay qandaraaskiisa, wuxuu kooxda Barca u saxiixay qandaraas hal sanno ah.
Everton ayaa si rasmi ah u la wareegtay xiddigii mustaqbalka lahaa ee Manchester United James Garner iyagoo ku iibsaday lacag ku dhow 10 milyan ginni.
Brighton ayaa si rasmi ah u la wareegtay xiddigii khadka dhexe ee Chelsea Billy Gilmour iyagoo ku iibsaday 10 milyan ginni.
Manchester United ayaa si rasmi ah u dhameystirtay maanta saxiixa weeraryahankii Ajax Antony oo ay 86 milyan ginni kula soo wareegeen.
Martin Braithwaite ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Espanyol uu u saxiixay hishiis seddex sannadood ah. Barithwaite ayaa si xor ah ugu wareegay Espanyol ka dib markii Barcelona ay maanta kansashay qandaraaskiisa.
Ainsley Maitland Niles ayaa ka tagay Arsenal wuxuuna amaah ugu biiray Southampton inta ka harsan xilli ciyaareedkan. Southampton waxay qiyaar u leedahay inay iibsato xagaaga danbe.
Southampton ayaa 10 milyan ginni kula soo wareegtay xiddigii Marseille Duje Caleta-Car.
Fulham ayaa hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah kula wareegtay xiddiga Leeds United Daniel James oo hore ugu soo ciyaaray Man United.
Barcelona ayaa xaqiijisay inay qandaraas cusub ka saxiixday xiddigeeda mustaqbalka Abde ka dibna ay amaah ku siiyeen kooxda Osasuna.
Xiddigii hore ee Chelsea iyo Arsenal Willian ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay Premier League iyo London isagoo qandaraas hal sanno ah u saxiixay kooxda Premier League ee Fulham.
Xiddiga khadka dhexe ee Spain Carlos Soler ayaa si rasmi ah ugu wareegay PSG isagoo heshiis 21 milyan euro ah uga soo tagay kooxda Valencia ee horyaalka La Liga.
Xiddiga khadka dhexe ee Everton Andre Gomes ayaa hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda Faransiiska ee Lille.
Justin Kluivert ayaa si rasmi ah ugu biiray Valencia isagoo heshiis amaah ah uga soo wareegay AS Roma. Kooxda reer Spain ayaa xiddigaan ku iibsan karta 15 milyan euro xagaaga danbe.
Manchester United ayaa heshiis amaah hal xilli ciyaareed ah kula soo wareegtay goolhayihii Newcastle Martin Dubravka.
Manchester City ayaa hesihiis 15.6 milyan ginni ku soo iibsatay ciyaaryahankii kooxda Borussia Dortmund Manuel Akanji.
Sergino Dest ayaa hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay AC MIlan isagoo ka tagay Barcelona. Milan ayaa qiyaar u leh inay daafaca Mareykanka ku iibsato 20 milyan euro xagaaga danbe.
Julian Draxler ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo hishiis amaah hal xilli ciyaareed ah ugu wareegay kooxda horyaalka Portugal ee Benfica.
Mario Balotelli wuxuu ka tagay kooxda Turkiga wuxuuna ku biiray kooxda Switzerland ee FC Sion. Waa kooxdiisi 11aad ee uu u ciyaaro wayihiisa ciyaareed.
Laywin Kurzawa ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo heshiis amaah hal sanno ah ugu wareegay kooxda Premier League ee Fulham.
Abdou Diallo ayaa ka tagay Paris Saint-Germain isagoo hishiis amaah hal sanno ah ugu wareegay kooxda Bundesliga ka dhisan ee RB Leipzig. Kooxda Jarmalka ayaa qiyaar u leh inay xiddigaan si joogta ah u la wareegto.
Manchester United ayaa iska iibisay da’ yarka Tahith Chong oo si rasmi ah ugu wareegay kooxda Birmingham City.
Fulham ayaa si rasmi ah u la soo saxiixatay xiddigii Benfica Carlos Vinicius iyagoo ku iibsaday 4.25 milyan ginni.
Xiddiga khadka dhexe ee RB Leipzig Ilaix Moriba ayaa ku laabtay Valencia isagoo amaah ugu ciyaaraya inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
Xiddiga burburiyaha khadka dhexe ee PSG iyo xulka Senegal Idrissa Gana Gueye ayaa si rasmi ah ugu biiray Everton isagoo u saxiixay hishiis labo sannadood ah.
Chelsea ayaa amaah ku fasaxay da’ yarkeeda Ethan Amapadu kaasoo ku biiray kooxda Spezia laakiin hishiiska kuma jirto qodob dhigaya inay si joogta ah u la wareegi karaan xagaagan.