Ka sokow guulaha kooxeed iyo koobabka loo dagaallamayo iyadoo isbeddello badani ku dhaceen naadiyada qaarkood, waxa garab socon doona xafiiltan u dhexeeya ciyaartooyo kala jooga horyaallo kala duwan oo ku loollami doona abaal-marinnada shaqsiga ah ee xilli ciyaareedkan hadda bilowga ah.
Shan ciyaartoy oo wacdaro kasoo dhigay xilli ciyaareedkii hore, ahaana mishiinnada goolasha ayaa mar kale uu tartan dhinaca gool-dhalinta iyo kabaha dahabka ahi u bilaabmay, laakiin waxa kale oo ay ku hirdamayaan midkoodii noqon lahaa ciyaartoyga sannadka 2021 ugu goolasha badanaya, kaas oo laga soo bilaabay bishii January soconayana illaa December.
Weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka qaranka Poland ee Robert Lewandowski oo 45 gool dhaliyey sannadkan ayaa ah ciyaartoyga ugu goolasha badan. Waxa uu markale ku bilowday xilli ciyaareedkan cusub goolal iyo qaab cajiib ah, waxaana kaliya afar kulan oo uu saftay uu dhaliyey lix gool.
Waxa kaabiga usoo saaran oo ku xiga mucjisada da’da yar ee reer Norway ee Erling Haaland oo tan iyo bishii January ee sannadkan u dhaliyey Borussia Dortmund 38 gool. 21 jirkan ayaa Bundesliga ku bilowday dardar iyo inuu sii wadanayo rikoodhkiisa cajiibka ah ee gool-dhalinta, waxaana afartii ciyaarood ee ay kooxdiisu dheeshay uu dhaliyey shan gool.
Lionel Messi ayaa saddexaad ku jira oo laga soo bilaabo bishii January usoo dhaliyey Barcelona 36 gool, laakiin PSG oo uu hal kulan u saftay ayaanu waxba u saxeexin, waxaase la filayaa in kulamada soo socda uu furan doono xisaabtiisa goolasha Faransiiska.
Kylian Mbappe oo ay Lionel Messi isku koox yihiin hadda ayaa isaguna saddex gool ka dambeeya oo dhaliyey 33 gool xilli ciyaareedkii hore iyo fasalka hadda socda, waxaana afar kulan oo Ligue 1 ah oo uu saftay uu saxeexayy saddex gool illaa hadda.
Cristiano Ronaldo ayaa ku jira tartanka, fadhiyana kaalinta shanaad iyadoo uu laba gool ku furtay xisaabtiisa goolasha Manchester United oo uu kulankiisii koowaad u saftay shalay. Isu-geyn waxa uu Ronaldo dhaliyey 31 gool.
Dhamaadka sannadkan 2021 oo ay ka hadhsan yihiin saddex bilood iyo badh, waxay indhuhu hayn doonaan shantan ciyaartoy ee mishiinka goolasha soo ahaa sannadkan waxaana la eegi doonaa midkooda noqda ciyaartoyga ugu goolasha badan sannadkan 2021.