Linares Deportivo 1-2 Barcelona: Ousmane Dembele oo ka Caawiyay Kooxdiisa inay u gudubtay Wareega 16-ka ee Copa Del Rey

Kooxda Barcelona ayaa ka badbaaday Cabsi ay qabtay inay harto iyadoo ugu danbeyn 2-1 ku garaacday kooxda Linares Deportivo kulan ka tirsanaa Copa Del Rey.

Barcelona ayaa lagaga naxsaday gool degdeg ahaa daqiiqaddii 19aad ee bilowga ciyaarta, waxaana ka dhaliyey Hugo Diaz oo muujiyey xilli ay xiddigaha Xavi kala daadsanaayeen.

Ousmane Dembele oo beddel kusoo galay ayaa goolka barbarraha u dhaliyey Barcelona daqiiqaddii 63aad isaga oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Mingueza.

Ferran Jutgla ayaa goolka guusha u dhaliyay Barcelona Daqiiqadii 69aad isagoo dhameestiray kubad uu kasoo shaqeeyay Ousmane Dembele guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*