Lione Messi oo ka hadlay Sheekada Dhexmartay Isaga iyo Robert Lewandowski , iyo Carada ka muuqatay

Xidiga Reer Argentin ayaa ugu danbeyn ka hadlay dhacdada ugu danbeesay ee dhexmartay isaga iyo xidiga Poland ee Robert Lewandowski.

Kaamirada ayaa lagu arkayay Robert oo ku dhagaya Messi iyo Xidiga Reer Argentin oo iska indho tiraya Gacan qaadka xidiga Reer Poland.

ugu Danbeyn Messi ayaa ka hadlay waxa dhexmaray ciyaarta kadib labada Xidig iyo Sababta keentay inuu Xaqaana muujiyo.

Sababta ka danbeysa Xanaaqiisa ayuu ku sheegay Carada ka dhalatay Rigoorada uu ka Khasaariyay Xulkiisa.

” Runtii Waxaan ka Careesnaa Rigoorada aan ka Khasaariyay Xulkeyga lakin Waxay ka qaadeen dhiiro galin oo isbadal ayay sameeyeen”

Messi ayaa sidoo kale ka hadlay waxa ay dhagta iskugu sheegeen isaga iyo Robert Lewandowski.

”Robert Lewandowski waxaan iskugu Hambalyeeynay u soo bixitaanka Wareega Xidiga ee Koobka Adduunka”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*