Home Warar Ciyaaraha Maanta Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya liiska xiddigaha ugu goolasha badan...

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo hogaaminaya liiska xiddigaha ugu goolasha badan horyaalada yurub.

0

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu goolasha badan horyaalada yurub.

Xiddigaha sida Alan Shearer, Raul & Francesco Totti ayaa lagu qiimeeyaa xiddigaha ugu fiican adduunka laakiin kuma jiraan xiddigaha ugu goolasha badan.

Yurub waxa si weyn looga daawadaa 5 horyaal kuwaas oo kala ah Bundesliga, La Liga, Ligue 1, Serie A iyo Premier League.

Horyaaladaas ayaa ah kuwo taariikh ku leh kubada cagta waxana soo maray xiddigo badan oo taariikhda baal dahab ah ka galay.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ugu goolasha badan taariikhda.

1.Lionel Messi – 496 gool

Messi ayaa haatanba haysta rikoodhka goolasha ugu badan 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub waxana uu dhaliyay 474 gool 520 kulan oo uu u ciyaaray Barcelona.

2.Cristiano Ronaldo – 495 gool

Ronaldo ayaa sii wada wacdaraha kubada cagta waxana la odhan karaa wuu ka shaqo badan yahay Messi maadama uu goolasha ka kala dhaliyay horyaalo kala duwan kuna jiro premier League oo uu 100 gool ka dhaliyay.

3.Robert Lewandowski – 366 gool

Ronaldo ayaa haatanba dhaliyay 32 gool kuna guulaystay markii uu u ciyaarayay kooxda Ekstraklasa laakiin waxa uu 12-kii bilood ee ugu dambeeyay dhaliyay ugu yaraan 20 gool xilli ciyaareed kasta.

4.Gerd Muller – 365 gool

Halyeeyga Bayern Munich ayaa kooxda U ciyaaray 14 xilli ciyaareed waxana uu dhaliyay 365 gool waxana uu xilli ciyaareed kasta dhalinayay 26 gool.

5.Jimmy Greaves – 357 gool

6.Steve Bloomer – 314 gool

7.Dixie Dean – 310 gool

8.Zlatan Ibrahimovic – 302 gool

9.Delio Onnis – 299 gool

10.Gordon Hodgson – 288 gool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here