Home Wararka Ciyaaraha Lionel Messi oo aan la Safri doonin Argentina isreebreebka Koobka Adduunka’

Lionel Messi oo aan la Safri doonin Argentina isreebreebka Koobka Adduunka’

0
Ad

Laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaan u safri doonin Argentina isreeb-reebka Koobka Adduunka ee soo socda, sida lagu sheegay warbixinti ugu danbeesay.

Xulka caalamiga ah ayaa isku diyaarinaya kulamo ay la ciyaari doonaan xulalka Chile iyo Colombia kuwaas oo bilaaban doona dhamaadka bishan xilli ay kooxdu doonayso in ay boos ka hesho Qatar.

Ad

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Daily Mail , Messi kama mid ahaan doono kooxda isagoo qarka u saaran inuu diirada saaro sidii uu dib ugu soo laaban lahaa taam ahaanshihiisa ka dib markii uu la tacaalay COVID-19.

Messi ayaa 11 jeer ka soo muuqday horyaalka xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu dhaliyay kaliya hal gool, taasoo u muuqata inay tahay olole adag.

Dhanka kale Argentina ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala sareynta isreeb reebka iyada oo leh 29 dhibcood ilaa haatan iyaga oo ka mid ah labada xul ee aan wali laga badin Group S.

Previous articleChelsea oo Waayi karta Xidigaha aan la Talaalin Kulanka Champion s League-ga ee lille
Next articleWar Xiiso Leh: Arsenal oo dalab cusub ka gudbisay Xidiga Dusan Vlahovic

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here