Home Horyaalka Spain Lionel messi oo barbareeyey Rikoorkii Xidigii brazil Pele.

Lionel messi oo barbareeyey Rikoorkii Xidigii brazil Pele.

0

Mucjisada Wadanka argentina Lionel messi ayaa barbareeyey Rikoorkii boqorkii kubada cagta wadanka brazil ee Pele Messi ayaana ugu dambayntii soo qabtay rikoodhkii kaddib markii Rigoore loo dhigay laga qabtay kadibna madax u bedelay kubadii taas oo ka dhigtay inuu soo qobto Rikoorka Pele  uu gool madax ahaa ka dhaliyey Valencia iyo barcelona ayaana ku kala baxeen 2-2 ciyaar ka dhacday garoonka Camp Nou.

goolkaasi messi uu dhaliyey xalay wuxuu ahaa midkiisii 643aad ee uu u dhaliyo kooxda barcelona oo uu waqtigiisa oo dhan ku qaatay naadiga Reer Catalan Pele ayaa hore u dhaliyey 642 gool oo uu u dhaliyey kooxda reer brazil ee Santos Kaliya waxa laga hadlayo waa in koox qura loo dhaliyo goolasha ugu badan.

 

 

Goolkan ayaa waxa uu Lionel Messi kusoo qabtay rikoodhkii goolasha halyeyga reer Brazil ee Pele uu u dhaliyey kooxdii uu waqtiga ugu badan ku qaatay ee Santos, taas oo uu u saxeexay 643 gool.

 

Lionel Messi ayaa la filayay inuu waqti hore oo xili ciyaareedkan ah barbarreeyo rikoodhkan ka hor inta aanu ka tegin Barcelona oo uu hore u sheegay inuu ka kategayo dhamaadka xili ciyaareedkan, isla markaana uu Bartomeu ka hor joogsaday go’aankii uu kaga tegi lahaa xagaagii hore.

Lionel Messi ayaa wixii ka dambeeya maanta, waxa goolasha uu dhaliyo ay noqon doonaan kuwo loogu aqoonsan doono xiddigii goolasha ugu badnaa ee u dhaliyey koox kaliya, halka uu Pele kaalinta labaad u degi doono.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here