Lionel Messi oo eedayn Culus u jeediyay Louis van Gaal iyo garsooraha garoonka Antonio Mateu Lahozn ee kulankio adkaa ee xalay

Lionel Messi ayaa dhaleeceeyay maamulaha Netherlands Louis van Gaal iyo garsooraha garoonka Antonio Mateu Lahoz ka dib guushii Argentina ay ka gaareen wareega sideed dhamaadka Koobka Adduunka 2022Jimcihii.

Ciyaar aad iyo aad u kulul oo ay ka buuxaan riwaayado ayaa lagu soo bandhigay garoonka Lusail Stadium kaas oo Messi uu ka qeyb qaatay labadii gool ee Argentina waqtigii caadiga ahaa ka hor inta aysan Netherlands ka dagaalamin inay barbaro ku celiso waqtigii dheeriga ahaa.

Ka dib markii Messi uu si khibrad leh u dhexdhigay Nahuel Molina oo dhaliyay goolkii furitaanka ee Argentina, 35 jirkaan ayaa rigoore gool u bedelay daqiiqadii 73aad, lakiin Wout Weghorst oo bedel ku soo galay ayaa dhaliyay labo gool oo deg deg ah dhamaadkii ciyaarta si uu u soo celiyo barbarihii.

Messi ayaa markaas dhaliyay goolkii ugu horreeyay ee afartii rigoore ee Argentina ay ku laadeen rigooradii xigay, goolhaye Emiliano Martinez ayaa labo jeer badbaadiyay si uu u caawiyo kooxda heysata labada jeer ee adduunka inay 4-3 kaga adkaadaan Oranje.

Ka hor inta uusan bilaabanin, Van Gaal waxa uu muujiyay cilad ku timid Messi ciyaartiisa oo ku saabsan heerka shaqadiisa marka uu kubada ka maqan yahay, waxaana uu sheegay inuu wado qorshe uu ku joojinayo ciyaaryahanka todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or.

Si kastaba ha ahaatee, Messi ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga ugu fiican ciyaarta iyadoo Argentina ay guul ka gaartay Holland, xiddiga Paris Saint-Germain ayaa tan iyo markaas dhaleeceeyay taatikada kubbadda dheer ee Van Gaal.

“Van Gaal waxa uu sheegay in ay ciyaaraan kubad wanagsan,laakin waxa uu sameeyay waxa ay ahaayeen kuwo la saaray dad dhaadheer oo uu ku dhuftay kubado dhaadheer”ayuu Messi u sheegay saxaafada kulanka kadib.

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*