Lionel Messi oo ka Hadlay Tababaraha Cusub ee la Wareegay Kooxda Barcelona iyo waxa uu qaban karo

Lionel Messi ayaa saadaaliyay in Barcelona ay Hormar Sameyndoonto waqtiga Xavi uu maamulayo sababtoo ah aqoonta uu u leeyahay kubada cagta iyo kooxda.

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe Xavi ayaa bishaan loo magacaabay inuu noqdo tababaraha Barca ka dib markii la ceyriyay Ronald Koeman.

Rigoore uu dhaliyay Memphis Depay ayaa siisay kooxda reer Catalan inay 1-0 kaga badiyaan Espanyol kulankiisii ​​ugu horeysay ee uu hogaamiyo Isbuucii hore.

Blaugrana ayaa 11 darbo ku heshay qaybtii hore ee ciyaarta garoonka Camp Nou – waana inta ugu badan ee ay heleen 45-kii daqiiqo ee furitaanka kulan kasta xilli ciyaareedkan – laakiin waxa ay sidoo kale wajaheen 12 shuut markii ugu dambaysay, waana shuudadkii ugu badnaa ee ay ku furaan ciyaarta furitaanka horyaalka La Liga. laga soo bilaabo Frank Rijkaard (17) Ogosto 2002.

Kulanka ugu muhiimsan ee Champions League ee Benfica ayaa dhacaya Caawa, Messi ayaana rumeysan in saaxiibkiisii ​​hore ee Xavi uu Hormar gaarsiin karo Kooxda.

“Barcelona hormar ayay la sameyn doontaa Xavi, waa tababare wax badan yaqaan, si fiicanna u yaqaan kooxda” ayuu Messi u sheegay Marca.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*