Lionel Messi oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Paris Saint-Germain

Lionel Messi ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa Paris Saint-Germain ka dib markii uu ka soo kabsaday COVID-19.

Laacibka todobada jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa laga waayay fayraska dhowr toddobaad ka hor, laakiin weli waxaa lagu xaddiday tababarka ka soo kabashada shaqsiga ka dib markii uu cudurka saameeyay.

Messi ayaa seegay kulamadii Ligue 1 ee ay kooxdiisu la ciyaartay Lyon iyo Brest COVID-19 dartiis, laakiin 34 jirkan ayaa haatan la soo bandhigay saaxiibadiis isagoo jooga tababarka.

Natiijo ahaan, Mauricio Pochettino ayaa rajeynaya inuu Messi diyaar u noqdo kulanka axada ee Ligue 1 ee Reims.

Messi ayaa ku biiray FIFA FIFPRO Men’s World 11 sanadkii 15-aad ee horaantii todobaadkan laakiin waxa uu galay kaalinta 2-aad ee codaynta xiddiga ugu fiican FIFA Ragga isaga oo ka dambeeyay Robert Lewandowski .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*