Lionel Messi ayaa laga saaray liiska 30-ka ciyaaryahan ee u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or ee ragga .
Xiddiga todobada jeer ku guulaystay abaalmarinta ayaa seegay liiska 2022 ka dib markii uu xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee adag la kulmay kooxda Paris Saint-Germain .
Inkastoo uu ku dhibtoonayay inuu helo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican, Messi ayaa dhaliyay 11 gool, waxaana uu ka qeyb qaatay 15 caawin 34 kulan oo uu u saftay PSG xilli ciyaareedkii hore, laakiin kuma filna inuu boos ka helo abaalmarinta Ballon d’Or.
Karim Benzema ayaa ah xiddiga ugu cad-cad in uu ku guulaysto abaalmarinta kadib markii uu dhaliyay 44 gool 45 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore isaga oo Real Madrid ka caawiyay hanashada horyaalka La Liga, Champions League, Supercopa de Espana iyo UEFA Super Cup.
2022 MUSHARAXA BALLON D’ORKA RAGGA OO BUUXA:
Thibaut Courtois (Real Madrid), Rafael Leao (AC Milan), Christopher Nkunku (RB Leipzig), Mohamed Salah (Liverpool), Joshua Kimmich (Bayern Munich), Trent Alexander-Arnold (Liverpool), Vinicius Junior (Real Madrid), Bernardo Silva (Manchester City), Luis Diaz (Liverpool), Robert Lewandowski (Barcelona), Riyad Mahrez (Manchester City), Casemiro (Real Madrid), Heung-Min Son (Tottenham Hotspur), Fabinho (Liverpool), Karim Benzema (Real Madrid) ), Mike Maignan (AC Milan), Harry Kane (Tottenham Hotspur), Darwin Nunez (Liverpool),Phil Foden (Manchester City), Sadio Mane (Bayern Munich), Sebastien Haller (Borussia Dortmund), Luka Modric (Real Madrid), Antonio Rudiger (Real Madrid), Cristiano Ronaldo (Manchester United), Kevin De Bruyne (Manchester City). Dusan Vlahovic (Juventus), Virgil van Dijk (Liverpool), Joao Cancelo (Manchester City), Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain), Erling Haaland (Manchester City).