Home Warar Ciyaaraha Maanta Lionel Messi oo laga saaray Xulka iyadoo FA-ga Argentina ay ku dhawaaqen...

Lionel Messi oo laga saaray Xulka iyadoo FA-ga Argentina ay ku dhawaaqen liiska ciyaaryahanada

0

Kabtanka dhaawaca ah ee Argentina Lionel Messi ayaa laga saaray Xulka, iyadoo FA-ga Argentina ay ku dhawaaqen liiska ciyaaryahanada ka qeyb galaya isreebreebka Koobka Adduunka ee Koonfurta Ameerika ee bisha soo socota oo ay la ciyaarayaan Chile iyo Colombia.

Messi oo 37 jir ah ayaan lagu darin 28-ka ciyaaryahan ee xulka ka dib dhaawac canqowga ah oo ka soo gaaray finalkii Copa America ee bishii hore ka dhacay Mareykanka.

Laacibka Inter Miami ayaa haatan ku soo kabanaya kooxdiisa.

Goolhayihii River Plate Franco Armani ayaa sidoo kale laga saaray shaxda, sidoo kale waxaa liiska laga saaray weeraryahan Angel Di Maria oo ku dhawaaqay inuu isaga fariistay xulka qaranka kadib Copa America.

Tababare Lionel Scaloni ayaa markii ugu horeysay u yeedhay ciyaaryahanka khadka dhexe Ezequiel Fernandez iyo weeraryahan Valentin Castellanos, iyadoo ay wehliyaan ciyaaryahano da’yar oo dhowr ah oo u saftay heerka caalami, sida Alejandro Garnacho, Valentin Carboni, Valentin Barco iyo Matias Soule.

Argentina ayaa ku marti galin doonta Chile garoonka Monumental Stadium ee Buenos Aires 5 Sebtember ka hor inta aysan shan maalmood ka dib ku wajihin Colombia Barranquilla.

Liiska Ciyaaryahanada:

Goolhayahasha:

Walter Benitez (PSV Eindhoven). Geronimo Rulli (Olympique de Marseille), Juan Musso (Atalanta), Emiliano Martinez (Aston Villa).

Difaacyada: Gonzalo Montiel (Sevilla), Nahuel Molina (Atletico Madrid), Cristian Romero (Tottenham Hotspur), German Pezzella (River Plate), Leonardo Balerdi (Olympique Marseille), Nicolas Otamendi (Benfica), Lisandro Martinez ( Manchester United), Nicolas Tagliafico (Olympique Lyonnais), Valentin Barco (Brighton & Hove Albion).

Khad dhexe: Guido Rodriguez (West Ham United), Alexis Mac Allister (Liverpool), Enzo Fernandez ( Chelsea), Giovani Lo Celso (Tottenham Hotspur), Ezequiel Fernandez (Al Duhail), Rodrigo De Paul (Atletico Madrid), Nicolas Gonzalez (Fiorentina), Leandro Paredes (AS Roma).

Weerarka: Alejandro Garnacho (Manchester United), Matias Soule (AS Roma), Giuliano Simeone (Atletico Madrid), Valentin Carboni (Olympique Marseille), Julian Alvarez (Atletico Madrid), Lautaro Martinez (Inter Milan), Valentin Castellanos (Lazio).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here