Lionel Messi oo magacaabay xulka ay lama filaanka ku noqotay inuu ka hadhay Koobka Aduunka Qatar ka socda.

Hormoodka xulka Argentina ee Lionel Messi ayaa shaaca ka qaaday oo magacaabay xulka ay lama filaanka ku noqotay inuu ka hadhay Koobka Aduunka Qatar ka socda.

Koobka aduunka ayaa si habsami leh uga socda bariga dhexe iyadoo Lionel Messi iyo dalkiisu kamid yihiin kuwa ugu cad cad isla markaana wareega siddeeda haatan iska xaadiriyeen.

La Albiceleste ayaa wareega siddeed dhammaadkaa kula ballansan xulka Netherlands oo ay wareega afar dhammaadka kaga reebeen isla tartankan sanadkii 2014.

35 sano jirka PSG oo arrimahaas ka hadlayay ayaa yidhi “Layaab ayay igu noqotay. Waxay haysteen ciyaartoy badan oo muhiim ah, xul da’yar iyo sababtoo ah in Germany markasta kuwa ugu wanaagsan kamid yihiin, layaab ayay igu noqotay in markale Group-ka lagu reebay.

Germany ayaa awoodi waayay inay kasoo gudbaan Group ay la wadaageen Japan, Spain iyo Costa Rica iyagoo farqiga goolasha kaga hoos maray xulka Spain.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*