Home Wararka Ciyaaraha Lionel Messi oo qaab heshiis ah uga tagaya Paris Saint-Germain, Halkee ayuu...

Lionel Messi oo qaab heshiis ah uga tagaya Paris Saint-Germain, Halkee ayuu ku biirayaa Xidigan

0

Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Inter Miami – halkaasoo xiddigii hore ee Everton uu noqon doono tababarihiisa cusub.

Messi ayaa haatan qandaraas kula jira kooxda Paris Saint-Germain, laakiin heshiiskiisa ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa qandaraas labo sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Ligue 1 2021, ka dib markii uu soo afjaray muddo dheer oo uu ku sugnaa Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee, wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Messi uu heshiis cusub u saxiixi doono PSG iyo in kale. hadii taasi aysan dhicin Messi waxa uu ku biiri karaa koox cusub

Sida laga soo xigtay The Times , Messi ayaa ku dhow heshiis uu ugu biirayo Inter Miami. Waxaa lagu soo waramayaa in 35-sano jirkaan uu la xiriiri doono kooxda Major League Soccer (MLS) marka la dhammeeyo Koobka Adduunka ee Qatar.

Previous articleChelsea oo u dhaqaaqeysa Daafac la tirsan Xulka Ecuador
Next articleLiverpool oo laga yeelanayo Carabta. Heshiiska iibsiga oo Furmay Sida Maamulka ay Xaqiijiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here