Home Warka Xiisaha Leh Lionel Messi Oo Toddobaadkan Camp Nou Ka Degaya & Sababta

Lionel Messi Oo Toddobaadkan Camp Nou Ka Degaya & Sababta

0

Halyeeyga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laba sano kaddib toddobaadkan kasoo muuqan kara gegida uu taariikhda badan kusoo sameeyay ee Camp Nou.

Messi ayaa xagaagii 2021 iskaga tagay Barcelona oo awoodi wayday inay dhaqaale ahaan darteed heshiis cusub uga saxeexato isago heshiis xor ah oo laba sano ah ugu wareegay Paris Saint-Germain.

Messi heshiiskii uu wakhtigaas caasimada France ugu wareegay ayaa dhacaya bisha dambe waxaana lala xidhiidhinayaa inuu markale ku laaban doono Barca.

Si lamid ah Barcelona, waxa tartanka saxeexa Messi ku jirta kooxda Saudi Arabian-ka ah ee Al Hilal oo 400 Milyan oo euro mushahar ah sanadkii usoo bandhigtay.

Si kastaba, sabab kale oo dabka kusii shidaysa suurogalnimada Leo ugu laaban karo Barcelona ayaa ah inuu toddobaadkan daawan doono Camp Nou iyadoo lagu casuumay kulanka ugu dambeeya ee ay kooxda u ciyaarayaan Sergio Busquets iyo Jordi Alba.

Alba iyo Busquets oo labaduba asxaab dhaw la ahaa Messi mudo dheer ayaa dhawaan shaaciyay inay soo afmeerayaan wakhtigoodii guulaha badnaa ee kooxdaas.

Si lamid ah xiddigahaas, Messi ayaa sidoo kale ka qayb galaya macasalaamaynta Camp Nou oo dib loo dhisayo mudona Barcelona ka maqnaan doonto.

Previous articleXavi Hernandez oo sheegay hal shuruud oo kooxdiisa ka xigta inay markale koobab u tartanto xilli ciyaareedka dambe.
Next articleMohamed Salah oo ka hadlay canaanta loo jeedinayo difaaca kooxdiisa ee Trent Alexander-Arnold

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here