Lionel Messi oo xanuun dartii looga saaray kulankii Monaco

Laacibka kooxda Paris Saint-Germain ee Lionel Messi ayaa xanuun ku seegaya kulanka ay galabta oo Axad ah la ciyaari doonaan kooxda Monaco .

34-sano jirkaan ayaa ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Bordeaux isbuucii hore laakiin waxaa ku ooriyay taageerayaashiisa intii uu tartanka ku jiray isaga iyo Neymar .

Messi ayaa kaliya dhaliyay labo gool 18 kulan oo Ligue 1 ah oo uu u saftay Les Parisiens xilli ciyaareedkan, laakiin si kastaba ha ahaatee waxa uu ku faanay wadar ahaan 7 gool iyo 11 caawin 26 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Laacibka reer Argentine ma heli doono fursad uu wax kaga kordhiyo tiradaas Axadda, inkastoo, kooxda PSG ay ku dhowaaqday in aanu ka mid noqon doonin kooxda u safreysa Stade Louis II ka dib markii uu hargabku ku dhacay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*