Liverpool 3-3 Brentford, Reds oo Hogaanka Horyaalka ku qabatay Hal Dhibic

Kooxda Liverpool ayaa iska qasaarisay fursad ay ku dheereesan kartay Horyaalka Premier league oo Caawa Hogaangiisa la wareegtay kadib kooxda Brentford oo ay kala kulantay bar-baro 3-3

Xidigaha Mo Salah ayaa bandhigiisa Goolasha ee Liverpool sii wata isagoo gool ku lahaa goolasha Saddex ah ee Liverpool.

Brentford ayaa goolka uga naxsatay Liverpool qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta aysan barbareynin Reds, Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Reds laakiin mar kale ayay Brentford ciyaarta ku soo noqotay. Mar seddexaad ayuu Jones hogaanka u dhiibay Liverpool laakiin dhamaadkii ciyaarta ayay Brentford mar kale barbareysay kooxda Jurgen Klopp.

Natiijadaan ayaa ka dhigan inay Liverpool leedahay 14 dhibcood iyagoo hogaanka hal dhibic oo nadiif ah ku qabtay laakiin waxay iska qasaariyeen fursad ay seddex dhibcood hogaanka ugu qaban lahaayeen.

Kulankaan ayaa ahaa mid aad u xiiso bilowgii ciyaarta ilaa iyo dhamaadkii iyadoo labada kooxood ay ciyaareed kubad weerar iyo weerar celis ah.

Shaxda lagu soo bilowday Kulankan

Brentford XI: P. Jansson, C. Nørgaard, I. Toney, Sergi Canós, David Raya, K. Ajer, R. Henry, Janelt, E. Pinnock, F. Onyeka, B. Mbeumo

Subs: Jorgensen, S. Ghoddos, Y. Wissa, M. Jensen, M. Forss, Álvaro Fernández, M. Rasmussen, S. Baptiste, M. Bidstrup

Liverpool XI: Henderson, Matip, Alisson, Salah, Van Dijk, Mane, Fabinho, Robertson, Jota, Alexander-Arnold, Curtis Jones

Subs: Milner, Firmino, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Origi, Joe Gomez, Tsimikas, Kelleher, Konate

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*